Waxaa isa soo tarayo Xildhibaanada katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka kuwaas oo diidan natiijada ka soo baxday shirkii magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalo ay soo dhigeen bartooda Facebook iyo twitter ayey ku sheegeyn in Madaxweynaha Soomaaliya uu qiyaamay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu Kenya uga tanaasulay damaceeda Badda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

“Madaxweynaha waxa uu ka tanaasulay murankii badda iyo dacwada ICJ, waxa uu qiyaanay dalka iyo dadka mana ka yeeli doono”, ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Sida laga sheegay Telefishinka Qaranka Itoobiya Soomaaliya waa ka tanaasushay dhulka lagu murusan yahay, halka Villa Somalia ay marin habaabineyso shacabka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo asagana ka hadlay arintaan ayaa ku tilmaamay qiyaano lamid ah tii qalbi dhagax oo kale laakiin ay noqon doonto mid aan la’isaga harin sida uu hadalka u dhigay.

“Marin habaabin been ah ayey wadaa Villa Somalia, badii waa iib geysay, sidii qalbi dhagax”, ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa soo dhigay Xildhibaan Fiqi.

“Itoobiya waxay sheegtay in ubucda khilaafka laga hadlay lana xaliyay, Farmaajo warkiisa waa been balse tani laga yeeli maayo sidii qalbi dhagax oo kale”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi.

Sidoo kale arintaan waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxweynaha uu ka tanaasulay murankii badda.

“Sida lagu sheegay barta Reysal Wasaaraha Itoobiya, ubucda khilaafka ayaa la xaliyay wadahadalna waa laga galay, mid kalane waa loo balamay”, ayuu yiri Xikdhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Arintaan ayaa noqotay hadal heynta ugu wayn ee xalay iyo maanta ka taagan baraha bulshada ee Internet-ka. Warbaahinta dalalka Kenya, Somalia iyo Itoobiya ayaa siyaabo kale kala duwan wax uga qoray arintan.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto faah faahin dhaafsiisan qoraalka kooban ay soo saareen oo warbaahinta lala wadaagay. Walaac xoog leh ayaa ka taagan Soomaaliya oo arintaasi ku aadan waxaana la dhowrayaa hadalka Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here