Home Siyaasada Xildhibaan Mahad Salaad “Madaxweynuhu siduu Balan Qaaday Uma Dhaqmin”.

Xildhibaan Mahad Salaad “Madaxweynuhu siduu Balan Qaaday Uma Dhaqmin”.

Mahad Salaad, oo eedeyntiisan ku soo beegaya markii Madaxweynuhu qabtay xilka (8-da Febaraayo), waxa uu sheegay inuu Mudane Farmaajo ku soo kordhiyey Soomaaliya wuxuu ugu yeeray “Mahadhooyin”. Sheeko uu arrinta ka qoray, oo uu boggiisa bulshada ku soo dhigay, ayuu Xildhibaanku ciwaan uga dhigay “Labo Sano Kadib Madaxweyne Farmaajo Ballanqaadkiisii aan Miro Dhalin iyo  Mahadhooyinka Laga Dhaxlay”! Qodobada uu Madaxweynaha ku dhaliilay inuu balan-qaaday, waxse ka qaban waayey waxaa ka mid ah:-

1) Cirib-tirka Al-Shabaab
2) Dib-u-heshiisiinta
3) La Dagaalanka Musuqa
4) Ilaalinta Rabitaanka Dadka iyo
5) Dheeragalinta Wadaniyadda

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa, isaga oo xusaya markii uu Madaxweynuhu balan-qaadayayey arrimahaas ku xusan qodobbada kore, uu sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo yiri “siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma aha, siyaasadu ballan ka bax ma aha. Aduunkana kama jirto, diinta Islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb waaye”.

Mahad Salaad waxaa, isaga oo sheegaya inuu Madaxweynuhu ku fashilmay balanqaadkiisii, uu siduu hadalka u dhugay yiri “markii sidaas uu lahaa intaas lidkeeda ayaa u qorsheysneyd, marka loo fiiriyo labadii sano ee uu xilka haayey”. Intaas kuma ekeysanee, waxa uu iskudayey inuu tixo dhaliilaha uu u hayo Madaxweynaha isago qoray qodobbada hoose:-

01) Ka jawaabis la’aanta weerarada Al-Shabaab
02) Wax-ka-beddelka ciidanka (Nabad Sugidda)
03) Habka loo wajahay Dacwada Badda
04) Hishiisyada Xukumadda ee Shirkadaha Ajnabiga
05) Khilaafka Xukumadda iyo Baarlamaanka
06) Khilaafka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
07) Khilaafka Dowlad Goboleedyada iyo DFS
08) Faraginta Doorashooyonka Dowlad Goboleedyada
09) Beegsiga Axsaabta Siyaasadda Soomaaliya iyo
10) Dhiibistii Muwaadin Cabdikariin Qalbi-dhagax

Xildhibaanku waxa, 2-da sano ee u harsan dowladda, uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula taliyey inuu furo gogol nabbadeed oo, sida uu sheegay, gogol-xaar u noqota dhameynta khilaafka Filla Soomaaliya iyo Baarlamaanka, Dowlad Goboleedyada, Siyaasiyiinta iyo qeyba kale oo bulshada ka mid ah, “si” buu yiri “looga mira dhaliyo hawlaha baaxadda leh ee horyaala maamulkiisa mudada labada sano ah ee hartay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Close