Kooxda Burnley ee ka dheesha horyaalka Ingiriiska ayaa xalay ku guuldaraysatay inay usoo baxdo tartanka Europa League ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen kooxda Olympiakos ee Giriigga ka dhisan. Olympiakos ayaa lugtii hore ee ciyaartan kusoo adkaatay 3-1.

Maantana waxaa la samayn doonaa isku aadka kooxaha ka dheelaya Europa League oo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Chelsea.

Xalayna waxaa la sameeyay isku aadka kooxaha ka dheelaya Horyaalka Yurub ee Champions League.

Wararka ugu waaweyna waxaa ka mid ah kooxaha Manchester United iyo Juventus oo isku guruub ah, taasoo ka dhigan in Cristiano Ronald uu ka hor iman doono kooxdiisii hore ee Man United.

Tottenham iyo Liverpool ayaa kooxo adag ku hagaagay oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here