MUQDISHO (SOMNEW.NET)-Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa war ay ku daabaceen Barta Twitter-ka waxay kaga hadleen wareysi dhawaan uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Hay’adda ayaa sheegtay in guddi loo xil saaray wareysiga uu bixiyay Cabdalla, oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka Hay’adda dhexdeeda ka jira.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Guddiga ay isla garteen in Cabdalla uusan u qalmin kasii mid ahaanshaha Hay’adda.

Guddi loo saaray wareysiga uu bixiyay Jeneraalka si ay u baareen qaladaadka ka hor imaanaya hanaanka shaqo ayaa guddiga isla gartay inuu Jen. Cabdalla Cabdalla lagu aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.

Akhriso qoraalka

SOMNEW.NET 

Xafiiska Muqdisho

Info@Somnew.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here