Waxaa magaalada Kismaayo ilaa xalay ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, kaasi oo hordhac u ahaa shirka maanta ka furmayo magaalada Kismaayo.

Waa Shirkii labaad oo ka dhacaya magaalada Kismaayo muddo sanad gudahiisa, waxaana shirkaan keenay dhowr arimood uu sabab u ah inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Culeesyada siyaasadeed ee heysta Axmed Madoobe, C.Welli Gaas, Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu horeeya waxyaabaha keenay in shirkaan uu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Gelinka hore ee maanta sidoo kale waxaa la filayaa inay magaalada Kismaayo gaaraan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay uu baaqday safarkooda.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here