Qalalaasaha siyaasadeed ee hareeyay siyaasadda dalka ayaa laga yaabaa in uu caqabad ku noqdo horumarka dalka sida ay qabaan siyaasiyiin iyo aqoonyahano kala duwan oo ay argtidooda waydiisay shabakada Somnew.

Kadib qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga ee Maamul goboleedyada, ayaa waxaa soo baxay hadalo iyo baaqyo kala duwan, kuwaasi oo sii murjiyay khilaafkii labada dhinac , waa dawladda iyo Golaha ay ku midaysan yihiin madaxda dawlad goboleedyada.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa  maalin ka dib soo saaray baaq ku saabsan Shirka amniga qaranka oo uu u diray Madaxda dawlad Goboleedyada, kaasi oo qabsoomidiisa la Iclaamiyay 17 ka bishan September.

Qaar kamid ah Hogaamiyayaasha dawlad goboleedyada oo ka jawaabay arrintaasi ayaa sheegay in aanay ka qaybgalaynin shirka Golaha amniga ee uu Madaxwaynuhu ku baaqay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Wasiirka qorshaynta ee Jubbaland ayaa si cad u sheegay in aanay maamulkooda ka qaybgalaynin, Halka Madaxwayne ku xigeenada maamul goboleedyada qaarkood sida Galmudug iyo Puntland ay ka horyimaadeen go’aanadii shirkii Kismaayo.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada la hadlay Somnew ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in khilaafsiyaasadeed ooh or leh uu yimaado, kaasi oo laga yaabo in uu dhaawaco hanaanka doorashooyinka 2020 ka e loogu talo galay in uu ka duwanaado kii 2016 kii.

Madaxwaye Farmaajo iyo dawladiisa oo ay u harsan tahay 2 sano iyo bilo ayaa looga fadhiyaa sidii uu xal uga gaari lahaa culayska ka soo  wajahay dhanka Siyaasadda Dalka.

Somnew.net

Info@somnew.com

Wararka Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here