Ra,iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay Qaraxyaddii iyo Weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo galaaftay nolasha dad shacab ah.

Kheyre waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tilaabooyin looga Jawaabayo Weeraradii ka dhacay Muqdisho oo ku naf waayeen in ka badan 30 ruux.

Waxaa uu sheegay in ciidanka dowladda ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyeen dad badan oo Shacab ah kuwaasoo ay doonaayen Shabaab in ay laayaan .

Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya si looga hortaggo weerarada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here