Ra’isal wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa Nigeria oo ah dalkii ugu dambeeyey ee wadamada Afrikada Galbeed ee ay socdaalka ku maraysay ah ku joogta. Merkel waxa ay todobaadkan hore u soo martay dalalka Senegal iyo Ghana.

Socdaalkeeda oo ujeedadiisu tahay xoojinta xidhiidhka dhaqaale ee Afrikada Galbeed iyo Jarmalka ka dhexeeya, iyo sida oo kale in laga shaqeeyo sidii loo yarayn lahaa qulqulka muhaajiriinta gobolkaa ka taga ee ku socda Yurub.

Angela Merkel booqashadeedan ay ku tagtay magaalo madaxda Nigeria waxay xoogga ku saaraysaa nabad gelyada, xidhiidhka dhaqaale, socdaalka iyo doorashooyinka guud ee Nigeria ee soo socda.

Merkel waxay marka hore la kulmi doontaa madaxa urur goboleedka ECOWAS ka dibna madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari.

Labada hogaamiye waxa ay ka wada xaajoon doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee labadooda dal ka dhexeeya, oo ay ka mid tahay sidii loo hagaajin lahaa xeerarka iyo duruufaha ay shisheeyuhu ku maal gashan karaan Nigeria.

Merkel waxa la socda wefti heer sara ah oo ganacsato ah. Madaxweyne Buhari na waxay wada hadalkooda ku soo qaadi doonaan arinta socdaalka sharci darrada ah, taas oo ah arin ay aad u danaynayso hogaamiyaha Jarmalku oo saamaynaya arimaha gudaha ee dalkeeda.

Socdaalkan hogaamiyaha Jarmalku ay ku marayso Galbeedka Afrika wuxu ku soo beegmay iyada oo ay bariga Jarmalka ka dhacayaan mudaharaadyo qalalaase wata oo lagu diidan yahay dadka soo galootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here