Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhiga demadaas waxa ay kusoo bandhigeen Saddex Rag ah oo la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee laga fuliyo degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ragaan lasoo qabtay oo Warbaahinta la hadlayay waxa ay sheegeen inay Al Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka kana howlgalayaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

Ragaan shabaab ka sheegtay ayaa xilliga lasoo qabanayay waxaa lasheegay in ay ku howlanaayeen sidii ay u dili lahaayeen Haween Qaad ku iibineysay Beerta Jaad kana mid aheyd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here