Hay,adda Nabad suggida Somaliya ayaa sheegtay hawlgal ay fuliyeen ciidamada ammaanka inay ku soo qabteen xubin ka tirsan Ururka Al Shabaab oo maleegayay qaraxyo.

Qoraal ka soo baxay Nabad Suggida oo la soo dhigay Bogga Twitterka NISA, ayaa lagu sheegay hawlgal qorsheysan oo ciidamada ay fuliyeen in lagu soo qabtay xubintaan ka tirsan Shabaab.

Lama sheegin magaca Ruuxa la soo qabtay iyo rasmi ahaan hawlgalka meesha uu ka dhacay, balse Nabad Suggida ayaa sheegtay ruuxaan inuu abaabulaayay qaraxyo shacabka lagu dhibaateeyo.

Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Hay’adda NISA.

Muddooyinkaan dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa bilowday inay faafiso warar kooban, iyadoo aanan la soo bandhigin magaca shaqsiga la soo qabtay iyo cadeymo muujinaya eedeymaha Shabaabnimo ee lala xiriirinaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here