MUQDISHO (SOMNEW.NET)-Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidamada Boolisku ay soo qabteen laba nin oo lagu eedeynayo in ay afduubteen ilmo yar oo Afar jir ah.

Magacyada ragaas ayaa lagu  kala sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna afhayeenku Intaas ku daray in labada nin lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Labadaasi Nin ayaa Carruurta waxa ay ka soo afduubteen xaafada ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay boolisku soo qabteen nin fal dhac ka geysanayay xaafado ka mid  ah magaalada Muqdisho.

Ninkan oo dhalinyaro ah ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Sadiiq Cabdi Cali waxaana la  soo bandhigey bastoolad uu moobaylo ugaga dhicayay dadka rayidka ah ee  ku nool degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

SOMNEW.NET 

Xafiiska Muqdisho

Info@Somnew.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here