Rag bistoolado ku hubeysan ayaa Maanta degmada Hodan ku dilay Mas’uul ka tirsan  Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shaqsiga la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal waxaa xaafada Siigaale ku dishay dhalinyaro wadatay Mooto Bajaaj, kuwaasoo dhowr xabadood qeybta sare ee jirka kala dhacday Marxuumka oo xiligaasi u socday goobtiisa Shaqo.

Maxamed Mursal ayaa ahaa Xeer Ilaaliye kuxigeen ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, isagoo la sheegay inuu ka mid ahaa ragga ugu firfircoon ee Xafiiska.

Ciidamada amaanka ee degmada Hodan oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah, iyadoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here