Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu aroornimadii hore ee saakay ku booqday Isbitaal Madiina dhaawacyadii kusoo waxyeeloobay weerarkii Khamiistii ee soo gaaray ilaa JImcihii ka dhacay Wadada Maka al-Mukaramah ee gestay dhimashada, dhaawaca iyo baaba’a hanti fara badan, oo soo gaartay dad shacab ah.

SONNA ayaa daabacday in uu Madaxweynuhu mid mid u dul istaagay dhaawacyada ku jira isbitaalkaas, si uu xog ogaal uga noqdo nuucyada waxyeelada kala duwan ee ka soo gaartay weerarkaas. Markaas kadib ayaa la sheegay inuu warbixin ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Maxamed Yuusuf, oo Madaxweynaha uga warramay xaaladda dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Farmaajo waa uu u mahadceliyey Isbitaalka, shaqaalihiisa iyo maamulkiisa, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan u gargaaridda bukaanka ku jira isbitaalka. Balse, Madaxweyne Farmaajo kama qorin SONNA waxa la xiriira sida uu u arko dhibta gaartay dhibbanayaasha uu buuqday, qorshaha dowladdiisa ee ilaalinta shacabka iyo fariinta uu arrintaas darteed la wadaagi lahaa Soomaaliya.

Maaha weerarkii ugu dambeeya oo kaliya ee sidaas oo kale, waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka fogaaday inuu cambaareeyo weerarada Al-Shabaab, sida ay u danqineyso dhibta weeraradoodana  uu la wadaago shacabka. Waxaana, isaga oo ka aamusay dhib ka dhacday dalkiisa, uu  cambaareeyey kana tacsiyeeyey mid la mid ah, oo ka dhacday dal kale (Kenya), taas oo ay dad badan Baraha Bulshada isku weydiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here