Kadib markii Madaxda Dawlad Goboleedyada eek u bahoobay Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyadu soo saareen go’aan ay xiriirka ugu jarayaan Dawladda Soomaaliya, ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa uu ugu baaqay Golahaasi in ay shir isugu yimaadaan Bsiahaan September Gudaheeda.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter ka ee Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loogu baaqay Madaxwaynayaasha Maamul goboleedyadu in ay isugu yimaadaan Shir dag dag ah oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 17 ka September oo ay inaga xigto maalmo kooban.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa laga sugayaa in ay diidaan ama ogolaadaan baaqaasi loo jeediyay, Waloow ay muuqato caro badan oo ay maamul goboleedyadu ka qabaan hab dhaqanka Dawladda uu Hogaamiyo madaxwayne Farmaajo.

Somnew Kala soco wararka xaqiiqada ku salaysan.

Somnew.net.

Wararka Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here