Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay cadeymo la xiriira in isla xisaabtan laga doonayo dhamaan maamulada dalka Soomaaliya.

Wasaaradda, ayaa sheegtay in wasiirada maaliyadda maamulada dalka laga doonayo inay soo gudbiyaan cadeymaha la xiriira halka la marsiiyo dhaqaalaha dowladda ay ugu deeqdo dowlad goboleedyada.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda ayaa cadeyn u ah in dowlaadda Soomaaliya ay dhaqaalo siiso bil walbaa dowlad goboleedyada, wuxuuna meesha ka saarayaa hadalkii dhawaan kasoo yeeray Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Haddaba waxaa la isweydiinayaa dowladda Soomaaliya jawaab ceynkee ah ayay ka heli doontaa maamulada dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda laga doonayaa inay cadeyso halka ay marsiiso dhaqaalo badan oo dowladaha caalamka ay ku deeqaan, waxaana dhaqaalaha dowladda Siiso maamulada dalka ay kasoo xaroodaan garoonka diyaaradaha iyo dekada magaalada Muqdisho.

Wali madaxda maamulada dalka kama aysan jawaabin codsiga kaga yimid dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn nooca ay noqon doonto jawaabta laga sugayo.a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here