Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Weel-Maaro iyo Suubow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ciidamada Al Shabaab ay saldhigyo ku lahaayeen, sida saraakiisha ciidamada Jubbaland ay sheegeen.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa fuliyay, kadibna waxaa xigay weerar ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ku qaadeen saldhigyo kale oo Jubbada Hoose ku yaala.

Mahad Maxamed Islaam, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid Wadajir ah, uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle Mahad Maxamed, wuxuu sidoo kale sheegay in weerarka oo dhulka iyo cirka ahaa, ujeedana ay aheyd in lagu burburiyo gobaha Al Shabaab ay kasoo weerari jireen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay inay u mahad celinayaan ciidamada iyo shacabka degmada Afmadow oo qeyb weyn ka qaatay weerarada ay ku qaadaan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay inay heleen warbixino  sirdoon oo la xiriira in Al Shabaab ay wadeen is abaabulka deegaano ku xeeran degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here