AFGOYE (SOMNEW.NET)-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan degmadaasi iyo deegaano ku dhow.

Howlgalka xooggiisa ayay ciidanka waxay ka sameynayaam deegaanka Buulaleey oo ku dhow degmada Afgooye halkaasi oo  gelinkii dambe ee shalay gaari ay saarnaayeen ciidamo milatari ah ay miino kula qaraxday.

Sidoo kale ciidamo milatari ah oo howlgalo ka sameeyay degmada Afgooye ayaa ku soo qabqabtay rag looga shakisan yahay inay ka mid yihiin ururka Alshabaab.

Taliyaha qeybta 12aad ee ciidamada Xoogga Dalka General Cumar Dheere ayaa  sheegay in ay 12 ruux oo ka mid ah Alshabaab ay soo qabteen, sidoo kale keyd hub ah oo ay Alshabaab ku lahaayeen gudaha magaalada Afgooye ay gacanta ku soo dhigeen.

Raggan ayaa lagu eedeynayaa  inay ka mid ahaayeen dagaalyahano weerar ku soo qaaday habeen hore degmada Afgooye.

SOMNEW.NET 

Xafiiska Afgoye

Info@Somnew.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here