Ganacsatada yaryar oo alaabtooda ka raranaya Soweto ayagoo dhuumasho ku jira

Ajnabiga ku nool Soweto ayaa dhuumaalaysanaya, ka dib weerarro ajnabi nacayb ah oo lagu dilay 3 ruux.

Rabshadaha ayaa qarxay ka dib markii dadka deegaanka ay ku eedeeyeen in nin Soomaali ah uu toogtay laba ruux.

Ajnabiga waxay ka qaxayaan ,magaalooyinka waaweyn, ka dib weerarrada ka dhacay Soweto.

Booliska Koofur Afrika waxay xaqiijiyeen in Arbacadii seddex qof lagu dilay rabshado lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada ajnabiga ah.

Meheradaha dadka ajnabiga ah ee Soweto oo la bartil-maameedsaday

Ajaaniibta ku sugan S Afrika oo dibad baxay

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaannada kale ee u dhow Soweto.

Sannadihii la soo dhaafay ayaa weerarro ajnabi nacayb ah lala beegsanayey ganacsatada yaryar ee shisheeyaha ah.

Hadal ay soo saareen ayey boolisku ku sheegeen in 27 qof la xiray.

Isla hadalkaas waxaa lagu cambaareeyey dadka sharciga ganactooda ku fiulinaya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in baraha bulshada la isugu dirayo farriimo loogu digayo dadka guryaha ka kireeya Soomaalida.

Ganacsato badan ayaa alaabtooda rartay oo ka guuray meelihii ay deganaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here