Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo Saxaafadda kula hadlayay Gaalkacyo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyada Cadaado.

Agaasimaha ayaa sheegay in aanan lagu soo wargelin sababta weerarkaas iyo inay la wareegaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay dowladda Federaalka “Waa nasiib darro in dowladda Federaalka oo amnigii dalka ku fashilantay, isla markaana  Muqdisho aan arkeyno in maalin walba qaraxyo ka dhacayaan inay haatan u gudubtay maamul goboleedyada”ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu amar ku bixiyay in Ciidamada Daraawiishta ay heegan buuxa galana, ayna ka feejignaadaan cid kasta oo madax banaanidooda ku xadgudbeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here