C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maanta uu safar u yahay dalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. CC Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka sii horreeyay ku simaha Taliyaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin iyo mas’uuliyiin kale.

C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu eshtako ka yahay siyaasadda saddex geesoodka cusub ee ka bilaawday Gobalka oo aan Soomaaliya ka soo muuqan.

“Madaxweynaha wuxuu u socdaa dalka Itoobiya, Waxaa ka sii horreeya taliyihiisa Nabadsugidda Waxaana maqlayaa in ay ashtako ka yihiin saddex geesoodka cusub ee shalay la yagleelay (Ethopia, Eriteriya iyo Kenya).”ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame “Waxay kaloo dacwad ka yihiin casho sharaf uu Raysalwasaaraha Itoobiya u sameeyey madaxweynaha Kenya oo lagu casuumay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay CC Warsame.

Siyaasiga C/raxmaan C. Warsame ayaa sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed u sheegayn in Soomaaliya ay gashay isbadal iyo horumar wanaagsan balse aysan jirin xaaladaasi sida uu hadalka u dhigay. “Hoggaanka dawladda markii ay xukanka dalka la wareegeen waxa ay si xamaas iyo laablakac leh ugu celceliyeen in Soomaaliya aysan tii hore ahayn”, ayuu yiri hogaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame.

“Waxay shacabka kula hadleen in ay Soomaaliya miisaankeedii soo ceshatay, haa iyo maya-na oran karto, oo ay tahay qaran madaxbannaani buuxda leh oo dooran kara halka ay ka gelayso isbahaysiyada Geeska Afrika iyo Gacanka Khaliijka ku loolamaya”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Siyaasiga CC Warsame.

“Siyaasadda arrimo dibadda waxaa lagu kala heybadaystaa hadba inta uu miisaankaagu la egyahay, awood ciidan iyo mid dhaqaale labadaba, saaxiibka aad leedahay ee aad dhabarkiisa ku dangiigto. Soomaaliya haatan ma laha saamayn togan (leverage) oo ay culays diblomaasiyadeed ku samayso, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur-bur dhaqaale iyo mid ciidan loona baahan yahay dulqaad iyo in isha lagu laahyo sidii lagula noolaan lahaa wadamada weerarka ku ah Soomaaliya.

“Waa dal ku jira marxalad iyo geeddi-socod uu uga soo kabanayo burbur iyo colaad sokeeye oo muddo dheer ragaadisay, Waa dal aanan weli laheyn itaal qarannimo oo looga haybeysto, Nasiibdarro maanta looma arko Soomaaliya dal qaran awood buuxa leh” ayuu yiri CC Warsame.

“dawladdu ma laha awood ay ku ilaaliso gobonimada gudaha ee dalka (internal sovereignty) iyo gobonnimada dibedda (external sovereignty),gobonnimada gudaha waxaa ku haysta xoogag hubaysan sida Al-shabaab iyo kuwa aan hubaysnayn sida maamullada gobollada iyo Somaliland. Kuwa hubaysan waxaa ka ilaaliya ciidan ajnabi ah oo qaarkood dano toos ah ka leh Soomaaliya, kuwaasoo ciidankoodu uu ku jiro caloosho dalkeena” ayuu yiri CC Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here