Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda.

Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan Argagixisanimo laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal.

Wasiir Geelle, ayaa sheegay in ay Alshabaan beegsadaan, goobaha ay Bulshado isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.

Wasiir Dahir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan

Weerarka ayaa ugu dambeyn lasoo Afjartay waxa uuna qaatay ku dhawaada 20 saacadood oo xiriir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here