Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in diyaarad nooceedu yahay Helikabtar oo ay lahaayeen ciidamada Milatariga dalka Itoobiya ay ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa.

Dhamaan dadkii saarnaa diyaarada oo tiradooda lagu sheegay 18 ayaa ku geeriyooday iyadoo aysan jirin cid ka badbaaday.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay kusii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baareyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here