Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ku howlan soo afjarida ratg hubeysan oo la sheegay inay ku jiraan Gudaha dhismo ku yaalla agagaarka hotelka Maka-Almukarama ee Magaalda Muqdisho.

Weerar qarax ku bilaawday ayaa xalay rag ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ku soo qaadeen dhismayaal ku dhow Hotelada Hilaac Uk iyo Mukarama,hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay dagaalamayaal ka tirsan ka dhex dagaalamayaan Gudaha Hotelka Maka-Almukarama

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa dad rayid ah kasoo badbaadiyey Dhismaha Dabaqa Carabta oo u dhaw Hilaac UK, halkaas oo sidoo kale ay ku yaallaan Goobo Ganacs oo kaala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here