Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa u sheegay Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres Maalinimadii Jimcaha in aanu ka laaban doonin go’aankii lagu cayriyay Ergagiisa gaarka ah Mr Nicholas Haysom , Kaasi oo muujiyay walwal xuquuqda aadanaha ah.

Xoghayaha guud oo  muddo sadex maalmood ah taleefanka kula hadlay Maxamed C/laahi farmaajo ayaa dhawr mar ku guubaabiyay in uu go’aankiisa wax ka badalo, sida ay sheegeen dublamaasiyiin joogta Q/midoobay.

Laakiin waxaa uu madaxwayne Farmaajo xaqiijiyay in Ergayga gaarka ah Nicholas haysom aan dalka looga baahnayn, Isagoo diiday in cadaadis lagu saaro.

Si kastaba ha ahaatee Antonia Guterres isagoo aad uga xun go’aanka go’aanka Soomaalida waxaa uu doonayaa in uu magacaabo Ergay Cusub, sida uu sheegay Kuxigeenka Afhayeen Xoghayaha guud Farhan Haq.

Dawladda Britain ayaa ku baaqday kulan albaabada u xiran yihiin Galabta JImcaha saacadda New York, kaasi oo ay isugu Imaanayaan Xubnaha golaha amaanka ee Q/midoobay si looga tashado Go’aanka Dawladda Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo ah sharciyaqaan dhalashadiisu tahay Konfur Afrika ayaa lagu amray in uu dalka isaga tago maalintii talaadada, kadib markii uu dawladda wax ka waydiiyay go’aanka ay ku soo xireen Mukhtaar Rooboow oo u tartamayay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo ku jray Su’aalaha Nicholas haysom sababta loo dilay dad gaaraya 13 ruux oo banaanbax nabdeed oo ay ku taageerayeen Musharax Mukhtaar rtooboow loo dilay, Xariga boqolaal qof iyo arrimo kale.

WWW.Somnew.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here