KISMAAYO (SOMNEW.NET)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay iyadoo la filayo inay maanta gaaraan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Waxaa lagu wadaa in berri oo Isniin ah uu shir ugaga furmo madaxda maamul goboleedyada iyadoo shirkaasina uu yahay mid loogaga hadlayo khilaafka u dhexeeya maamulka Jubba iyo dowlada federalka.

Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayaa ciidamo faro badan oola soo dhigey iyadoo qabanqaabada soo dhoweynta madaxda maamulada ay ka socoto garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Kismayo Madaxda Maamul Goboleedyada, Puntland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Shirkaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa noqonaya kii Saddexaad oo ay yeeshaan,waxaana kii ugu dambeeyey ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

SOMNEW.NET 

Xafiiska Kismaayo

Info@Somnew.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here