Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Shan ruux oo lagu eedeeyay Kufsi wadareed inay ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan ayaanan aheyn kii Caa’isho Ilyaas Aadan, balse waa mid ka sii horeeyay oo raggaan horay Kufsiga ay u gaysteen.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Garowe inuu xabsiga ku sii haayo, Shanta ruux ee Magacyadooda kala yihiin.

C/risaaq Axmed Cilmi
C/risaaq Cali Cabdi
Yuusuf C/laahi Xersi
Ugaas Mire Barre
& Cismaan Maxamed C/laahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here